Ahlu Sunnah Oo Damac Uu Kasoo Galay Hirshabeelle Iyo Xiisadda Oo Sara U Kaceysa!!!

Kooxda Ahlu Sunnah oo dhawaan la heshiisay dhiggeeda Galmudug ayaa hadda bilowday isla xisaabtan iyo deegaameysi horleh, kaas oo ku aaddan in ay la xisaabtamaan deegaannada ay dagaan iyo kuraasta ay ka heli karaan.

Deegaanka Matabaan oo ah deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan sidoo kalena la isku muransanaa weligiis ayaa Ahlu Sunnah ay gacanta ku heysaa, waana mid kamid ah deegaannada qura ee gacanta Hirshabeelle aan ku jirin.

Doodda Ahlu Sunnah ayaa ah masiirka Matabaan iyo halka la marsiin doono, haddii Hirshabeelle ayeey ka tirsan tahay la dhaho waxa ay la micno noqoneysaa in Ahlu Sunnah wax laga siiyo maamulka Hirshabeelle.

Waare iyo Sheekh Axmed Shaakir wasiirka koobaad ee Galmudug ayaa shir uu albaabbada u xiran yahay ku yeeshay Muqdisho ha yeeshee waxaa la isku af fahmi waayay arrinta Matabaan, taas oo noqoneysa dood iyo is jiid jiid cusub oo ay Ahlu Sunnah la yeelanayaan maamulka Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee haddii Waare laga dhaadhiciyo masiirka Matabaan, waxa ay noqoneysaa in Ahlu Sunnah ay xubno wanaagsan ka helaan maamulka Hirshabeelle taas oo micnaheedu noqonayo in laba maamul oo kala duwan ay saameyn ku leeyihiin.