Waa Maxay Qorshaha Yahuuddu Ka Damacsan Tahay Dib Usoo Nooleynta Arrinta Quddus?

Siyaasiyiin badan oo rog roga arrimaha Bariga dhexe ayaa qaba in Israel damaceeda ku aaddan dib usoo cusbooneysiinta arrinta quddus ay ku riixeyso xalaalleysashada buuraleyda Golen Hights.

In hadda dib loo soo cusbooneysiiyo arrinta Quddus Israel waxa ay kaga gon leedahay in la yeesho shir dib u heshiisiin ah, taas oo labada dhinac ay yeelanayaan, waxaana ay markaas Israel dooneysaa in ay miiska soo saarto sababaha ay ku iloobi karto usoo raritaanka safaaraddeeda Quddus.

Waxyaabaha ay dooneyso waxaa kamid ah haddii ay dib u dhigeyso qorshaha safaaraddeeda in loo saxiixo oo aysan Carabtu dood ka keenin arrinta deegaanka Buurraleyda Golen ee ay Yahuudda xoogga ku qabsadeen.

Haddii ay middaas dhici wayso Isael waxa ay ku adkeysan doontaa qorshaheedii usoo guuridda Quddus, taas oo muran ka dhex dhalisay dunida.

Madaxda Muslimiinta ayaa shir ku yeelanaya Turkiga si ay kaga tashadaan arrintan diiniga ah, ha yeeshee waxaa la leeyahay Carabta qaar ayaaba lug ku leh bixinta Quddus, sida ay sheegayaan warar hoose.

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu eedeynayaa in uu hoos ka hurinayo arrinta, sidoo kalena uu qeyb ka yahay qorshahaas.