Muxuu Ku Doortay Ra’iisul Wasaarre Kheyrre In Uu Ka Been Sheego Wax Qabadkii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud? (Xog Muhiim)

Marka la joogo qaaradda Afrika waxaa iska caado iyo dhaqan noqotay in siyaasiga ama qofka mas’uulka ah uu ijaafeeyo kan kaga horeeyay xilka, si taas lamid ah Ra’iisul wasaarre Kheyrre oo u khudbadeynaya qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qasnadda dowladda aysan wax lacag ah aysan ku jirin markii uu imaanayay oo uu xilka la wareegayay.

Nuur Faarax Jimcaalle waa hanti dhowrihii hore ee qaranka, kaas oo xilkiisa ku waayay dilkii ilaalladiisa ay u geysteen wasiir Cabbaas Siraaji, wuxuu sheegay in Kheyrre uu ka been sheegay waxqabadkii dowladdii hore, taasna ay tahay qalad dastuuri ah oo uu ka galay dowladdii ka horeysay.

Si uu usoo jeeto ka qeyb galayaashii kulankaas ayuu Kheyrre u go’aansaday in uu ka been sheego hantida qaranka iyo madaxda qaranka, Nuur Faarax ayaa sheegay in qasnadda qaranka ay Shan Milyan oo dollar ku jirtay markii uu xilka la wareegayay mudane Farmaajo, taasna ay ahayd wax uu isaga hubo.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in Kheyrre uusan kas kala jeedin ee ay ka ahayd soo jiidashada kasoo qeyb galayaashii dhacdadaas.