Mareykan Ka Oo Beeniyay In Uu Mas’uul Ka Yahay Xasuuqii Bariirre!!

Xubno ka tirsan Congress ka Mareykan ka ayaa sheegay in baaritaanno cusub oo lagu sameeyay dhacdadii xasuuqa ahayd ee loo geystay dad beeraley ah aysan Mareykan ku ka dambeyn.

Waxaa la isla dhexmarayay in dowladda Mareykan ka ay duqeysay dadkii shacabka ahaa ee ku dhaqnaa deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ted Lieu oo ah sarkaal ka tirsan Congress ka ayaa horaan u sheegay warbaahinta in ciidankooda ay dileen 10-nin oo aan hubeysnay, intii lagu jira howl galkii August.

David Trachtenberg oo hoos taga xoghaya difaaca ayaa isna ka jawaabay hadalkaas, wuxuuna sheegay in baaritaan dheer ka dib ay usoo baxday in aysan Mareykan ku ka dambeyn dhacdadii lagu xasuuqay shacabkii Bariirre.

Waa hadalkii saddex aad oo kasoo baxa Mareykan ka tan iyo August oo ku aaddan xasuuqii Bariirre, ha yeeshee weli wax war ah kama soo yeerin dhanka dowladda.