Goorma Ayaa Lasoo Gaba Gabeyn Doonaa Kalfadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in 16-ka bisha lasoo gaba gabeyn doono dhammaan howlihii u yaallay guddoonka baarlamaanka, islamarkaana la geli doono fasax dheer.

Qodobbada u haray baarlamaanka ayaa laga doodi doonaa inta ka harsan 16-ka December, kaddibna xildhibaan kasta wuxuu heli doonnaa laba bilood oo fasax ah, taas oo noqoneysa in uu dib ugu noqdo deegaankii laga soo doortay.

Bartamaha bisha labaad ee sannadka (Febraayo) ayaa dib la isku soo noqonayaa iyadoo ay dowladda cusubi hal sano jirsatay.

Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay waxyaabo badan oo muhiim ahaa in xilli hore laga doodo, ugu dambeyn fasaxan waxa uu noqon doonaa mid ay iskaga soo kal warqaadaan dadkii soo doortay iyo deegaannadii laga soo doortay.