DEG DEG:- Is Rasaaseyn Xooggan Oo Ka Socta Magaalada Muqdisho

Is rasaaseyn xooggan oo loo adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga waqlayaa agagaarka Tarabbuunka ee degmada Hodan.

Hubka noocyadiisa culus ayaa mararka qaar la maqlayaa, taas oo la dareemayo in uu yahay mid laba dhinac ay iskaga soo horjeedaan oo ay is rasaaseynayaan.

Muddo dhowr iyo toban daqiiqo oo horey ayeey socotay, welina waa la maqlayaa daryanka rasaasta.

Lama oga cidda rasmiga ah ee ay u dhaxeyso is rasaaseyntaas, ha yeeshee waxaa loo maleeyaa in ay yihiin laba koox oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doonnaa inshallah