Wasiir Islow oo ka Warbaxiyay shir uu uga qeyb galay Doha?

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa faah faahin ka bixiyay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo Tahriibka, kaasi oo uu uga qeyb galay magaalada Doha ee dalka Qadar.
Shirkan oo soconayay laba maalmood ayaa ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka socotay dhammaan dalalka Caalamka, waxaana ay isla meel dhigeen sidii ajandayaasha shirka looga hadlay loo hirgelin lahaa.
Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay dhibaatooyinka badan ee Tahriibka dhalinyarada la kulanta in ay yihiin dadka ka soo jeeda Afrika, gaar ahaan Soomaalida.
Wuxuu sheegay kulan gaar ah oo uu la yeeshay Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha Qadar in ay iskula afgarteen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay uga baaqsadaan dhibaatada Tahriibka.
Soomaalida ayaa qayb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, waxaana shirkan ku soo beegmayaa xili dhowaan ay si wayn u soo shaac baxday dhibaatooyinka baaxada ee dadka Mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.