DEG DEG:- Dibad Bax Lagu Taageerayo Magaalada Quddus Oo Ka Socda Muqdisho

Boqolaal qofood oo dhallinyaro u badan ayaa waddooyinka magaalada iskugu soo baxay, ka dib salaaddii Jimce ee xilliga Muqdisho.

Dibad baxayaasha ayaa aad kaga soo horjeeday go’aankii dowladda mareykan ka ay ugu aqoonsatay magaalada Quddus caasimadda Israel .

Ereyo ay kamid yihiin ” Allahu Akbar” ayeey isticmaalayeen dibad baxayaasha, waxaana ay lugeynayaan iyagoo wata boorarka magaaladaas waddooyinka waa wayn iyagoo socod kasoo bilaabay dhankaa iyo isgoyska Banaadir.

Dib ayaan idinkula wadaagi doonnaa sawirrada iyo waxbaha kasocoda Muqdisho.

Screenshot 20171208 132220