DEG DEG:- Xaaf Oo Kasoo Dagay Muqdisho Iyo Waddooyinka Magaalada Oo Xir Xiran

madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wefdiga Xaaf ayaa toos kaga yimid dhanka Jabbuuti halkaas oo ay kaga qeyb galayeen shirkii dib u heshiisiinta ee Ahlu Sunnah iyo Galmudug.

Madaxwaynaha ayaa ka qeyb galay magaalada Muqdisho madasha wada tashiga iyo ammaanka oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamul goboleedyada.

Horeen ayeey ahayd markii uu soo gaaray Muqdisho madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

SI kasta ba ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in Xaaf la dejiyay qeybo kamid ah garoonka diyaaradaha ka dibna loo kaxeyn doono dhanka iyo hoolka ay madashu ka dhaceyso.