Waa Kuma Sarkaal Ay Shabaab Sheegeen In Ay Ku Dileen Jowhar Iyo Balcad Inta U Dhaxeysa?

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dagaal ku dileen Gaashaanlle sare Max’med Raage oo ahaa taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada koowaad ciidamada DF-ka ee ku sugan Sh/dhexe.

Dagaal ba’an oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa lagu soo waramayaa in saraakiil sar sare oo labada dhinac ay ku geeriyoodeen, ha yeeshee mid kasta uu jabkiisa ka gaabsaday.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa si gaar ah u beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday Gaashaanlle Max’med Raage ha yeeshee weli wax war ah kama soo bixin dhanka dowladda oo ku aaddan sheegashada kooxda shabaab ee in ay dileen sarkaalkaas.