Wasiirkii Saddex-aad Oo Iska Casilay Golaha Wasiirrada Cusub Ee Waarre Iyo Sabab Qariib Ah Oo Ay Ku Dhacday

wasiirkii saddex aad oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa is casilay, islamarkaana sheegay in uu ka tanaasullay xilka cusub ee dhawaan loo dhiibay.

Yuusuf Cali Cilmi oo dhowaan loo magacaabay wasiirru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeella ayaa iska casillay xilkaas saddex maalin ka dib markii uu Waarre ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada.

Sababta ugu wayn ee uu isku casilay wasiirkan waxaa lagu sheegay in uusan ku qanacsaneyn islamarkaana aysan u cuntammin xilka loo dhiibay taasna ay soo dedejisay is casilaaddiisa.

waxaa weli laga baqayaa in ay is casilaan wasiirro hor leh oo kamid ah golahii wasiirrada ee dhowaan uu soo magacaabay mudane Waare.