Madaxweyne Gaas oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya oo ka Taagan deeganada uu ka Arimiyo ?

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay BBC-da  ayaa ka hadlay arimo la xiriira heshiiskii ay wada galeen Ethiopia, duqaynta Daacish iyo muranka taagan Dekedda Magaaladda Bosaaso.
Heshiiska Ethiopia iyo Puntland.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia oo hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi ay kala sixiixdeen, in la dar-dar galiyo heshiisyadii horay ay u galeen, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen, arrimo la xiriira iskaashiga ganacsi, dhaqalaha,  amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda argagixisada.
“ Majirto wax heshiis cusub oo aan kala saxiixanay, lakiin wixii horay looga wada hadlay fulintoodii iyo meel-marintoodii iyo dhamaystirkoodii weeye, hadan runti si culus ayuu u cusleeyay Ra’iisul wasaaruhu, in howshaasi la dhamaystiro lana dar-dargaliyo”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Duqaynta buuraha Gal-gala.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxwaynaha Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka lagu jiro Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaa-laysanaya buura galayda Gal-gala.
“ Waad la socotaan muddo asbuuc ka hor ah, ciidamadeena PSF, PMPF iyo ciidanka daraawiishtu, guluf ayay ku qaadeen meeshaas, ka bacdiina waatan duqayntu ay ka dhacday, waxaan is leeyahay waa oborayshin [ Howl-gal] wax ku oola, wayna fiican tahay in la soo afjaro lana yareeyo dhibta ay ku hayaan dalka”
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa la weydiiyay inay jiraan in howl-galkaasi lagu dilay madaxda Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaalanta Buuraha Gal-gala Puntland.
“ Ma maqal shaqsiyaadkii ugu waayayna dhimashadooda, lakiin waa naloo sheegay in nin kamida madaxdooda lagu dilay meesha, weli oborayshinku [ Howl-gal] wuu socondoona ayay ila tahay,maba hayno wax dhiba oo hadda dhacay iyo cid shacaba oo wax gaareen, markay timaado ayaana ka hadlaynaa”, ayuu yiri Gaas
Muranka Dekedda Bosaso
Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in muranka dekadda ay keeneen dad aan doonayn horumarka Dalka, xukuumadiisu ay ka warqabto.
“Waad taqaaniin cidda had-hadlay ee meelaahas ordaya, ma ahan ganacsato dhaba, waxaa weeye dad fitno iyo shiddo ka shaqaynaya, horumarka dalka waxaan leeyahay halaga shaqeeyo, anaguna wanaag ayaan rabnaa,waxaan Ethiopia u aaday waa dan ganacsato ee ma ahan dan uu Cabdiweli leeyahay, waxaan ka shaqaynaa waa ganacsiga oo horumara iyo dalka oo horumar hela iyo dekedda oo la balaariyo wanaagaas ayaan ka shaqaynyaa, waana in laga fekero, mustaqbalka wiilashooda iyo jiilkooda soo socdahadii ay horumarka hor istaagaan wax saxa ma ahan lagana yeelimayo”
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la kordhinayo lacagta laga qaado ganacsatada, ayna saxan tahay in bixiyo.
“Lacagta waa la kordhinayaa sababtoo ah 306 Milyan ayaa la galinayaa [ dhismaha dekedda ayuu ula jeedaa] waana wax sax ah in wax la kodhiyo ,  qofka maalka gashanaya meesha, waa in maal-gashigiisii wax uga soo laabtaan ayuu rabaa … Marka waxa la kordhinayo waad ogtihiin, taraafi xitaa dhaba ma ahan marka loo eegXamar iyo Berbera, khidmad saxa xitaa ma aha waxa ay ka qaylinayaan Insha Allah waa ay iska dhamaanaysaa”