Madaxwayne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Noqday Muqdisho

Madaxwaynaha soomaaliya maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho,  ka dib safar shaqo oo uu ku kala bixiyay dalal ka tirsan qaaradda afrika.

Caleema saarkii Uhuru Kenyatta ayaa ku qeyb qaatay, halka markale uu Abidjan kaga qeyb galay shir looga hadlayay addoonsiga cusub ee ka dilaacay Liibbiya.

Madaxwaynaha iyo wefdigiisa ayaa dib ugu soo noqday dalka, waxaana lagu wadaa in ay isku diyaariyaan shirka amniga looga hadlayo ee ka dhacaya Muqdisho todobaadkan.