Ma Dhabbaa In Abuu Mansuur Uu Markii Ugu Horreeysay Uu Heshiis La Galay Dowladda Ethiopia? (Sir)

Magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxaa kusoo idlaaday shir albaabada ay u xiran yihiin oo ay yeesheen hoggaamiyaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wadaadka Abuu Mansuur Rooboow kaas oo safar shaqo ku jooga gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dagaalka la qorsheynayo in lagu qaado kooxda Shabaab, waxaana ay isla meel dhigeen in la isku dhafo ciidanka daacadda u ah Abuu Mansuur iyo kuwa koonfur Galbeed, halka ciidanka Ethiopiana laga qeyb dhigo la dagaalanka kooxdaas.

Sidoo kale dowladda Ethiopia ayuu kala heshiiyay sidii ciidankeeda qeyb looga dhigi lahaa la dagaalanka Alshabaab, islamarkaana looga horgeyn lahaa gaadiidkeeda gaashaaman dhallinyarada kooxdaas u dagaalantay ee lasoo qaldday sida ay hadalka u dhigeen

waa heshiiskii ugu horreeyay ee noociisa ah oo uu Abuu Mansuur galo taariikhda, maadaama uu aad u necbaa Ethiopia, ha yeeshee qorshaha ah in Itoobbiya laga horgeeyo Shabaab wuxuu ahaa mid isaga kasoo maaxatay, maadaama Alshabaab ay aad u neceb yihiin ciidanka Ethiopia oo ah kuwa aad ugu dagaallama dhulka.

Waa mid kamid ah waxyaabaha kuu caddeynayo in Abuu Mansuur is baddal fikir uu ku yimid, waxaana la filayaa in uu qorshahaas dhaqan galo.

Wadaadka ayaa balanqaaday in uu joogi doono goobaha dagaalka ilaa Shabaab laga qabsanayo degmada ugu dambeysa.