DEG DEG:- Axmed Madoobe Oo kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Iyo Ujeeddada Uu U Yimid

Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee maagaalada Muqdisho.

Safarka Axmed Madoobe waxaa ku wehliya qaar kamid ah siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo weriyayaal ka tirsan maamulkiisa.

Ujeeddada safarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in uu yahay in uu ka qeyb galo shirka laba maalin ka dib ka furmaya magaalada Muqdisho ee looga hadlayo amaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamul goboleedyada ayaa kasoo muuqan doona shirkaas, waxaana ahaa kan ugu horreya madaxwayne Axmed Madoobe, oo hadda kusugan Muqdisho.

Xarunta ciidanka Nabad sugidda ee Maama Khadiijo ayuu dagay Axmed Madoobe, waxaana wefigii lasocday iyagana ay dageen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Soomaaliya ayaa ku casuuntay madaxda maamul goboleedyada shirka amniga ee afarta bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho.