Sawirro: Roobow oo ka degay Magaalada Baydhaba?

Garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya barkhanimadii maanta waxaa ka degtay Diyaarad gaar ah oo siday Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo masuuliyiin kale oo la socotay oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo saraakiil Ciidan, waxaana ay ka soo amba baxeen Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Xubnahan Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi, Maamulka Gobolka, kan degmada, Qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.
Ugu horeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed in Abuu Mansuur uu soo gaaro Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan Roobow.
Wuxuu sheegay maalmaha soo socda in Roobow uu joogi doona magaalada Baydhabo, isaga oo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelaay).
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/ashiid C/laahi Maxamed ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wixii wada hadal iyo is xog wareysi ah ay noqon doonaan maalinta berri ah wixii ka dambeeya.
Ugu dambeyntii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo hadalka qaatay ayaa halkaasi ka jeediyay hadalo kaftan uu ku jiro, wuxuuna ka mahadceliyay qaabka wanaagsan ee shacabka Baydhabo ay u soo dhaweeyeen.
24068066 537359383270109 6934741611860347697 N
24068066 537359383270109 6934741611860347697 N
Roobow 3 640x360
Roobow 3 640×360

Roobow 5 640x360
Roobow 5 640×360