Waa Maxay Qaladka Dastuuriga Ah Ee Ay Ku Jiraan Madaxwayne Xaaf Iyo Xertiisa?

Xildhibaan Cabdiwahaab Cali Maxamud oo ahaa guddoomiyaha guddiga dastuurka Galmudug ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray madaxda ugu sareysa maamulkaas.

Mas’uulka ayaa sheegay in dhammaan madaxda Galmudug ay jabiyeen xeer u yaallay maamulkaas oo ahaa in madaxda oo idil aysan wada bixi karin.

Madaxwayne Xaaf, kuxigeenkiisa Carabeey iyo guddoomiyaha baarlamaanka Gacal ayaa dhammaan ka maqan Cadaado oo ah xarunta maamulkaas, iyo guud ahaan deegannada maamulka Galmudug.

Xaaf iyo kuxigeenkiisa ayaa ku maqan shirka dib u heshiisiinta ee Jabbuuti uga socda Ahlu Sunnah iyo maamulka Galmudug.

“Arrintaan Dastuurka Galmudug waa ay ku caddahay, waxaana aad uga hadlay qodobka 53-aad kaas oo tilmaamaya sii haynta xilka madaxweynahana, wuxuuna ka kooban yahay Afar qodob, waxaana ugu horreeya hadii madaxweynaha maqanyahay waxaa xilka sii hayna ku xigeenkiisa, haddii ay Labadooda maqan yihiin waxaa sii haynaya guddoomiyaha baarlamaanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahay waxaa sii haynaya guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka, kan ugu dambeeya waxa weeye in madaxdaan kor lagu xusay aanay Hal mar dalka ka maqnaan karin” ayuu yiri Xildhibaan C/wahaab.

Si kastaba ha ahaatee waa mid kamid ah qaladaadka ay ka siman yihiin maamul goboleedyada, oo iyaga oo idil ayaa isla maqnaado xilli sharciga dastuurkooda aysan ku qorneyn.

Cabdiwahaab ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dastuurka oo lagu dhaqmo, wuxuuna sheegay haddii dastuurka lagu dhaqmo wax walba ay hagaagayaan.