Maxaad Kala Socotaa Falalka Arxan Darrada Ah Ee Laga Soo Maleego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha?!

Ra’iisul wasaare Kheyrre ayaa dhowr jeer oo horey balanqaadyo u sameeyay dad tabaalleysan oo uu la kulmay, ha yeeshee dhammaan balanqaadyadaas ma uusan fulin.

14-kii bishan waxa ay ahayd hal bil guuradii kasoo wareegatay qarixii Zoobbe, Kheyrre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay soo qaban qaabiyeen dhallinyarro SOomaaliyeed, markii uu dhammeeyay khudbaddii uu jeedinayay, ayeey mid kamid ah howlwadeennadii goobta munaasabadda ka codsatay ra’iisul wasaaraha in uu la kulmo wiil dhibbane ahaa oo ku dhaawacmay qarixii Soobbe.

Markii la keenay ra’iisul wasaaraha cannugga yar oo ahaa caseeye ama baalashle, Kheyrre ayaa la hadlay xogheyntiisa waxaana ay xogheynta u dhiibeen kaarka ganacsiga, ama Busness Card.

Xiriirro dambe oo aan la sameynay wiilka iyo qoyskiisa waxa ay inoo sheegeen in aysan wax jawaaba ka helin ra’iisul wasaaraha, taleefoonkana ay diideen in ay ka qabtaan.

Taas waxaa sii dheereed markii xogheynta ra’iisul wasaaraha ay ku wargeliyeen madaxda Hoolka Sahal in gabadha la shaqeysa ee ra’iisul wasaaraha ku amartay in uu la kulmo wiilka ay dawcad ka yihiin.

Maamulka Sahal Hall ayaa iyagana ka ceyriyay shaqada gabadhaas xooggeeda ku shaqeysaneysay ka dib markii ay dacwad ka gudbiyeen xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu dhibaateeyo masaakiin xooggooda maalato iyagoo ku dacweynaya maamullada meesha ay ka shaqeeyaan.

Illaa xad dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in uusan ka warqabin ra’iisul wasaaraha dhaqammada ay sameynayaan dhallinyarada halka heyb ah ee ku hareerreysan