Dagaal Qaraar Oo U Dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada Iyo Soomaalida Oo Dib U Qarxay

inkabadan 20-qofood oo iskugu jira qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ayaa ku geeriyooday isku dhac bulsho oo ka dhacay qeybo kamid ah dhulka xudduudda ah ee u dhaxeeya labada ismaamul.

Horaantii bishii September ee sannadkan ayeey ahayd markii ay soo cusboonaadeen dagaallada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, waxaase xilligaas la sheegay in 10-kun oo qofood ay deegaannadooda ka qaxeen colaadda labada dhinac oo fideysay awgeed.

Dowladda dhexe ee dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaadday in 100-qofood oo Oroma ah ay usoo xir xirtay rabshadaha cusub ee kasoo cusboonaadaan xudduud beennaadka labada dhinac.

Waxaa jiray muran dhuleed dhanka xuduudda ah oo u dhaxeeyay labada ismaamul, ha yeeshee dowladda ayaa bishii Abriil ee sannadkan isku dayday in heshiis labada dhinac la dhex dhigo, taas oo colaadda lagu yareynayo.