Wax walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Magaca, Qabiilka Ugu Badan Ee Taageeraya Xisbiga Cusub Ee Kheyrre!

Si goor dambe loo helo fursad loogu soo noqdo madaxnimada dalka, waa in aad shaqeysataa oo aad kasbataa shakhsiyaad cusub oo ku aamisan islamarkaana kugu aragti ah, dhammaan aragtiyahaas waxaa fududeyn kara in aad yeelato xisbi aad doorashada kaga soo tartami karto.

Ra’iisul wasaarre Kheyrre ayaa qarka u saaran in uu kasoo muuqdo masraxa xisbiyada, isagoo sameysanaya xisbi ku magac ah halkudhiggii Farmaajo ee ahaa “Nabad Iyo Nolol”.

Wax yaabaha la iswayddiinayo waxaa ka mid ah sidee buu xisbigan ku sameysmayaa? Saamigiisa sidee baa loo qeybsanayaa? Iyo waxyaabo kale oo ay mudan tahay in la iska wayddiiyo ka hor inta aan loo guul wadeyn.

Shakhsiyaad u badan reerka Kheyrre ayaa xisbigan hor kacaya, waxaana ay heystaan keliya taageerrada reerkooda, iyo kuwa kale oo aan sii badneyn oo taageersan dowladda Soomaaliya.

Haddii ay dhacdo xisbi hal qabiil ay leeyihiin, waxa ay noqonayaa reerka uu kasoo jeedo Kheyrre mid sameeya diiwaan la mid ah kii uu ka sameeyay Feysal Cali Waraabe Soomaaliland ka dib markii uu sameystay xisbi reerkiisa Ciidaggalaha uun u qaas ah, kaas oo la yiraahdo “UCID”