Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ku wajahan Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo la filayo inay dhacdo maalinta bari ah oo Talaada ah.
Xafadda ayaa waxaa ka  geli doono madax badan oo ka tirsan Qaaradda Africa, waxaana liiskaas kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Halkaan Hoose ka Akhriso madaxda ka qeyb galeyso, kuwa Ergooyinka u dirayo, kuwa wafdi heer wasiir diraya iyo kuwa kale oo Madaxweyne ku xigeenka ama Ra’isulwasaare uga qeyb qaadan doono.
Dalalka ay madaxweynayaashooda ka qeyb geli doonaan Caleemasaarka:
Mohamed Abdullahi Farmaajo (Somalia) Yoweri Museveni (Uganda) Ian Khama (Botswana) Paul Kagame (Rwanda) John Pombe Magufuli (Tanzania) Edgar Lungu (Zambia) Ismaïl Omar Guelleh (Djibouti) Hage Geingob (Namibia) Faure Gnassingbé (Togo) iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya  Desalegn of Ethiopia.
Wadamada Soo diri doono Ergooyin
Senegal, China iyo Japan
Wadamada soo diri doono Wasiiro
South Africa, Britain Ukraine iyo India
Wadamada soo diri doono madaxweyne ku xigeenada ama Ra’isulwasaare:
Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi iyo Yemen