Maxaa Ka Jira In Wasiir Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Loo Diiday In Uu Ka Qeyb Galo Wejiga Labaad Ee Shirka Ahlu Sunna Iyo Galmudug?

magaalada Jabbuuti ee xarunta dalka Jabbuuti ayaa lagu wadaa in dhowaan uu ka furmo shir wayne lagu heshiisiinayo maamullada Ahlu Sunnah iyo Galmudug.

Shirkan ayaa la filayaa in uu kasoo baxo wax dan u ah maamulkaas iyo dadka ku dhaqan, maadaama hoggaanka labada dhinac ay hadda isa soo af fahmeen oo heshiis dhow la noqday.

Iyadoo lagu guda jiro saacadihii ugu dambeeyay ee shirka uu bilaaban lahaa, ayeey is isku mid ah kaga soo jeesteen labada maamul cidda u mataleysa dowladda Soomaaliya shirkaas,

Ra’iisul wasaarre Kheyrre ayaa u magacaabay wasiirru dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha C/lahi Faarax Wehliye in uu ahaado wakiilka dowladda dhexe ee u qaabbilsan arrintaas.

Balse Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa labadaba ka tirsanaya wasiirka eedo horey, Xaaf iyo xertiisa ayaa ku eedeeyay in uu ahaa qofkii isku dayay in uu dumiyo maamulka Galmudug, islamarkaana uu xafiiskiisa kasoo saaray warqaddii lagu oggolaanayay mooshinka xildhibaannadii doonayay in ay Xaaf  meesha ka saaraan.

Sidoo kale Ahlu sunnah ayaa ku qanacsanayn qaabka ay wax u waddo dowladda dhexe, iyagoona door bidi lahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, kaas oo dhanka kale Galmudug ay rejeynayaan in uu isaga noqdo wakiilka dowladda ee shirkaas.

Si kastaba ha ahaatee waxaa socda dadaallo ay IGAD iyo dowladda dhexe ay wadaan kaas oo lagu dardar gelinayo maslaxo waarta oo ka dhex dhacda Ahlu Sunna iyo Galmudug.