Sawirro:Madaxda Galmudug oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti iyo kuwa Ahlusuna oo ku Wajahan

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ay qayb ka yihiin ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi Carabey xildhibaano Iyo Wasiiro ayaa lagu soo dhaweeyay Dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qayb galayaan shirka dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug Iyo ahlusuna oo maalinka Beri ah ka furmi doona dalka jabuuti.
Sidoo kale waxaa dalka Jabuuti ku wajahan wafdi ka socda Maamulka Gobolada Dhexe ee  ahlusuna waljameeca uu hogaaminayo Madaxweynaha Ku-xigeenka Maamulkaas Cali baashi, kuwaasi oo shalay galinkii dambe soo gaaray Magaaladda Muqdisho.
Wada-hadalka  u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, waxa uuna socon doonaa 27 ilaa 29 bishan November, labada dhinac ayaa la filayaa in ay is afgarad ku gaaraan halkaasi.
1 4 768x576
1 4 768×576
3 3 768x576
3 3 768×576
4 3 768x576
4 3 768×576

22 1 768x576
22 1 768×576