Maxaa Looga Reebay Beel Waynta Hawiye Ciidanka Shacabka Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay? ( XOG DHAMMEYSTIRAN)

Beryihii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayay hadal heyn ah ciidanka cusub ee shacabka kuwaas oo uu ku dhawaaqay Farmaajo.

Sida laga warqabo ciidankaas tirada ugu badan waxaa kulahaa beesha Raxan wayn, oo heshay saammiga ugu badan.
Dadka qaar ayaa iswayddiinaya sababta keentay in beelaha Hawiye ay ku yaraadaan ciidankaas cusub.
Siyaabo kala duwan ayaa loo sharxay, oo dadka qaar ayaa qaba in saammiga ugu badan ee ciidanka Hawiyaha uu ku jiro ciidamada Booliska iyo kuwa Militeriga, baddalkana loo baahan yahay dhiig cusub.
Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba in siyaasiyiinta Hawiye ay iskooda iskaga indha tireen qorashada ciidankaas cusub, taasna ay fursad u siisay beel waynta Raxan Wayn.
Xeeldheerayaal kale ayaa aamisan in Farmaajo uu lahaa xulashada ciidankaas 60%kiiba, taasna ay keentay in uu ka weeciyo xawliga ciidankaas beesha Hawiye, isagoo iska ilaallinaya ciidan isku toosan oo Hawiye ku badan yahay, isagoo ka baqaya iskana eegaya in ugu yaraan ay ujeeddo ka dhan ah dowladda ay la imaadaan.
Dhammaan waa aragtiyaha ay ged geddinayaan qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, se ma cadda ujeeddooyink gaarka ah ee ciidankaas loo dhisay, iyadoo midda guud lagu sheegay in ay ilaallinayaan shacabka.