Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Xalay lagu weeraray Bom Gacmeed, xilli ay ku sugnaayeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Bom gacmeed ay ku tuureen ciidamadaasi, xilli ay marayeen Nawaaxoga Baar Ismaaciil ee Degmadaasi Afgooye.

Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhintay, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen Ilo ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ka fuliya Degmadaasi.

Ciidmada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in Saakay howlgallo ballaaran ay ka wadaan qeybo ka mid ah Afgooye, kadib weerarkii Xalay ka dhacay degmadaasi.

Xigasho:- Radio Shabeelle