Sidee Baa Loo Qeybsan Doonaa Wasiirrada Marka Isku Shaandheynta La Sameeyo? Beel Walba Iyo Wasaaradda Ay Heli Karto?

Waxaa dhowaan la filayaa in la sameeyo isku shaandheeyn dhanka wasiirrada ah, waxaase su’aal ay ka taagan tahay sida ay reeraha u heli karaan  cadkooda wasiirrada.

Afarta qabiil ee waa wayn ayaa u baahan in mid kasta uu helo cad ka wayn midka ay hadda heystaan, ha yeeshee waxaa is wayddiin mudan ra’iisul wasaarre kheyrre sidee buu middaas u wajihi karaa.

Hawiye oo heysta ra’iisul wasaarraha ayaa helay wasiirka arrimaha dibadda marka la eego dhanka golaha wasiirrada, Daarood oo heysta madaxwaynaha dalka ayaa sidoo kale la siiyay wasiirka arrimaha gudaha waxaana qaatay Majeerteen.

Dir oo guddoomiyaha aqalka sare leh ayaa ina helay wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo waxaa la siiyay Samaroon/ Gudabbiirse; halka Raxanwayn oo heysata guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagana helay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Abgaal ayaan wax wasiirrad ah ka helay wasaaradaha darajada koobaad, se waxa ay ku leeyihiin laba wasiir oo kala ah kan warfaafinta iyo kan amniga gudaha, taas oo muujineysa heerka siyaasadeed ee la gaarsiiyay reerkaas.

Markan waxaa laga yaabaa in ay is baddasho heerka wax qeybsiga oo waxaa laga yaabaa in wasaaradda arrimaha dibadda la siiyo Dir, Daroodna la siiyo wasaaradda Gaashaandhigga, halka Raxan wayne loo celiyo wasaaradda Maaliyadda, Hawiyena la siiyo wasaaradda arrimaha gudaha, haddii sidan loo qeybsado waa marka keliya ee la isku waafiqi karo golaha wasiirrada.

Dir, Daarood iyo Raxanwaynba dhib badan kama taagnaan doonno, balse waxaa dhibaato ay ka taagnaan doontaa cidda la siin doono wasiirka darajada koobaad ee Hawiyeha, waxaase loo badinayaa in la siin doono Habar Gidir, halka Abgaal laba wasaarad oo darajada labaad la siindoono.