Farmaajo Oo Niyadda Ka Dilay Ciidanka Qalabka Sida (Haddaba Waa Maxay Sababta?)

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa soo xiray dufcaddii koobaad ee ciidanka shacabka ee dhawaan la yagleellay.

Waxaa iswayddiin mudan maxay yihiin ciidankaas, sida muuqata ciidankaas waxaa la siin doonaa lacago iyo gunnooyin joogta ah kuwaas oo aysan helin doonin kuwa furrumaha dagaalka ku dhinta oo ka dagaallama,  taas oo niyad jab cusub u ah ciidanka aan dhowr bilood oo lasoo dhaafay aan helin wax mushaar ah.

“Laftigaaga is wayddii sidee buu noqon karaa dareenkaaga, adigoo dhowr bilood aan mushaar qaadan oo ay kugu xiran yihiin qoys, aan lahayn aabbo aan adiga ahayn, haddii fursad aad u baahneyd la siiyo qof aan sidaada oo kale aan u shaqeyn, oo aan dagaal galin, dhimasho naftiisa u hurin?” Ayuu Shaaciye u sheegay mid kamid ah askarta Soomaaliyeed oo aan wayddiiney su’aashaas.

Waa mid kamid ah niyad jabyadii ugu waynaa ee uu Farmaajo u geysto ciidanka qalabka sida tan iyo wakhtigii uu qabtay xilka madaxtinimo.