Akhriso:-Madaxweyne Waare oo Eedeen u Jeediyay Madaxda Dowladda Somalia’

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhaliilay Madaxda dowladda Federaalka Soomaliya inay ka baxeen balan ay ku wada galeen shirkii dhawaan lagu gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Hir-shabeelle Waare ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay ka baxday heshiiskii ahaa in lagala tashado maamul goboleedyada Hindise sharciyeedyada ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan ballan ka lahayn in Hindise sharciyeedyada la horkeenayo Baarlamaanka wadatashi laga sameeyo, iyadoo la is tusay muhiimad ay leedahay, wixii shirkeenii ka dambeeyay waxaa baarlamaanka la horkeenay hidise sharciyeedyo, waxaan rajeyneynaa in sidii ballanta ahayd nalagala tashado sharciyadaasi, la tashigaasina aan fikradeenna iyo dareenkeenna ku biirinno,annaga waxaan dalbaneyno waa wadatashi oo kaliya oo fikradeenna lagu daro sharciyadan, waxaana saldhig u ah waxaa soo dhan in la hirgeliyo barnaamijka Federaalka, runtii inaan Federal qaadanno oo wuxuu qabo aan ku dhaqanno ama intaan iska deyno oo dhahno naga daaya ayaa la rabaa, laakiinse inaan dhahdo federal ayaan nahay hadana aan u dhaqanno in waxa oo dhan isku meel wax ku jiraan waa nasiib darro” ayuu yiri madaxweyne Waare.
Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan shirkii lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda muqdisho, qodobada la isku afgartay ay qeyb ka ahaayeen in madaxda Maamul goboledyadda lagala tashado Hidise sharciyeedyadda la horgeynayo Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya.