Golaha Iskaashiga D/Goboleedyada oo soo saaray war qoraal ah

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa soo saaray qoraal ay ku dalbanayaan in la hakiyo ansixinta Hindise sharciyeedka Xukuumadda ay horgeysay Baarlamaanka, iyagoo ku baaqay in wada hadal laga sameeyo hindise sharciyeedka ka hor inta aan la ansixin.
Warqad ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha ahna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taariikheysneyd 14-kii bishan.
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in xilligan ay jiraan Hindise sharciyeedyo aan lagala tashan, kuwaas oo horyaala Golaha shacabka, halka qaarkood la ansixiyay.
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ka codsaday Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ku matala Dowladda Federaalka in la joojiyo dhammaan Hindise sharciyeedyada ay soo gudbineyso Xukuumadda ka doodistooda iyo ansixintooda, inta Xukuumadda ka fulineyso qodob ka mid ahaa heshiiskii 5-tii bishan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Halkan hoose ka Akhriso Warqadda ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada:-

Warqada 696x916
Warqada 696×916