Sawirro: Qaabka u dhacay Dilka Xildhibaanka Iyo Xildhibaankii Ilaaladiisa dileen oo hadlay ?

Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo dilka maanta loo geystay xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu la socday gaariga hore, kadibna uu gadaal uga soo dhuftay gaariga marxuumka.
“ Gaariga inta uu igu dhicin ka hor ayey askarta la hadleen marxuumka, si ay u istaajiyaan isagana waa uu diiday” ayuu intaasi raaciyay.
Xildhibaan-ka Abuukaate waxaa uu sheegay in marxuum xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed uu la soo baxay Bistoollad kadibna askarta toogteen, halkaasina qadar alle ka dhacday.
Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka waxaa uu Goobjoog News u sheegay in askarigii dilka geystay iyo qorigiisaba uu ku wareejiyay CID.
Dhinaca kale, sida uu Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed oo ka tirsan Galmudug Marxuum Xildhibaan Maxamed Cabdi waxaa uu ahaa keligiisa, waxaa xabad ku riday askari ilaale ahaa.
Hey’adda C.I.D ayaa lagu wadaa in ay baaritaan ku sameyso waxa dhacay, si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.
Xigasho Goobjoog
Waeyaa6
Waeyaa6
Waryaa1
Waryaa1
Waryaa2
Waryaa2
Waryaa2 1132x670
Waryaa2 1132×670
Waryaa3
Waryaa3
Waryaa4
Waryaa4