Dowladda Dhexe Cadaadis Siyaasadeed Ma Saari Doontaa Madaxwayne Gaas? Mise Qorsha Kale Oo Muqaddas Ah Ayaa Jira?

Sida aan la wada soconno Madaxwaynaha maamulka Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa heshiis halis ah la galay dhiggiisa Ethiopia waxaana heshiiskaas uu ahaa mid aysan raalli ka ahayn  dowladda dhexe.

Sida aan warar hoose ku heleyno waxa ay sheegayaan in aysan dowladda dhexe ka war qabbin heshiiska ay soo wada galeen labada dhinac, taas oo laftigeeeda ah qalad dastuuri ah oo uu galay Gaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaan cadaadis lala yaabo dul dhigtay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo lagu eedeeyay in uu galay qalad dastuuri ah ka dib markii uu Imaaraadka aaday soona galay heshiis aysan dowladda dhexe ka war qabin.

Sidoo kale dadka cadaadiska ba’an dareemay waxaa kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo isna la isku dayay in lagu kiciyo beelaha dega deegaankiisa.

Balse xilligaas madaxdii aadday Dubia waxaa kamid ahaa mudane Gaas sidoo kale shakhsiyaadka taageeray waxaa ku jiray Axmed Madoobe, labaduba ma dareemin qalqal siyaasadeed oo buurran, dadka neqdiya siyaasadda Farmaajo ayaa aaminsan in maammulladaas ay heyb ahaan dallad sare ay iska leeyihiin taasna aysan suurta gal ahayn in qalqal siyaasadeed lagu abuuro.

Baddalka Miisaanniyadda marka loo eego maamullada kale iyaga ayaa ka badan, taas waxa ay muujineysaa sida ay dowladda ugu dabacsan tahay labadaas maamul.

Mar haddii uu Gaas galay shir kale oo dibadda ah, haddana uu heshiis lasoo galay dowlad sida Ethiopia oo kale ah, waxa la iswayddiinayaa dowladda dhexe Gaas iyo maammulkiisa cadaadis dheeri ah ma saari dooontaa.

Inkastoo ay dhici karto haddana siyaasiyiinta u dhunduleella arrimaha Soomaaliya waxa ay sii saadaallinayaan in ay san jiri doonin wax cadaadis ah oo uu la kulmayo Gaas.