DEG DEG:- Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Warbahinta Kooxda Alshabaab ayaa baahisay in kooxdaas ay qarax xooggan la beegsatay ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay agagaarka Tarabbuunka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu sheegay in uu yahay miiinno nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana lagu waramayaa in ay ku dhinteen sida ay sheegayaan wararka warbaahinta Alshabaab dhowr askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dhawaaqa qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, ha yeeshee weli wax war ah kama soo bixin halka rasmiga ah ee uu qaraxaas ka dhacay.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa haddii uu rabbi idmo.