DEG DEG Ah:-Xildhibaan Goordhaweyd Lagu Dhaawacay Magaaladda Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Maamulka Galmudug ayaa goordhaweyd lagu dhaawacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya falka lagu dhaawacay Xildhibaanka,warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya oo gaari saarnaa ay xabado ku fureen Xildhibaanka.
Falkaan ayaa ka dhacay isgosyska Sayidka ee magaaladda muqdisho sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonan karo.
Xildhibaankaan oo magaciisa lagu soo koobay Madoobe ayaa la xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaaray islamarkaana dhaawiciisa loola cararay isbitaalka Digfeer e Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.