Cabdiweli Gaas Oo heshiis Halis Ah La Galay Ethiopia Iyo Waxyaabaha Lagu heshiiyay

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa heshiis la galay dhiggiisa Etiopia todobaadkan, waxaana ay saxaafadda hadal heysaa heshiiskan iyo nooca uu yahay.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen ee lagu heshiiyay waxaa kamid ah iskaashiga labada dhinac iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab ee argiggixisada ah.

Sidoo kale waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa kamid ah aragti baddalidda ku aaddan mowqifkii ay ka istaageen khilaafka Khaliijka oo ay la safteen dowladda Qatar, sida ay Sucuudiga u arkaan.

Sharci ahaan waa qalad dastuuri ah oo uu ku dhacay Gaas balse sida muuqata ma jirto cadaadis kaga imaanaya dhanka dowladda dhexe, iyadoo aynu ognahay in horaan cadaadis badan loo saaray madaxda maamul goboleedyada gaar ahaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kuwaas oo ku sigtay xitaa in ay waayaan xilkooda.