Cabdiraxmaan Cirro ‘ Doorashadii loogu Guuleestay Muxuu ka Yiri?

Musharaxii Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu aqbalay Natiijada Doorashada Guddiga Somaliland ay ku sheegeen in uu ku guuleystay Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Cirro ayaa Sheegay in aanan Doorasho Xor iyo Xalaal toona aheyn ay ka dhacday Deegaanada Somaliland, balse sababaha uu u aqbalay ay tahay in uu u tanaasulay Dadka Maamulkaasi.
Waxa uu ku tilmaamay Go’aan Qaraar oo Xisbigooda ay qaateen, waxa uuna Taageerayaasha Xisbiga ka dalbaday in ay la qaataan sida ay ugu tanaasuleen Maslaxadda Dalka sida uu hadalka u dhigay.
Tusaale waxa uu usoo qaatay hadal uu Hadda kahor yiri Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale oo ahaa in uu sheegi jiray in uusan noqon doonin mid sabab u noqda Bur-burka Somaliland, isagane maanta uu halkaa taagan yahay.
Waxa uu farta ku goday in Xisbiga Kulmiye uu sabab u noqonayo Bur-burka Somaliland, sida uu Hadalka u dhigay, waxa uuna Madaxda Xisbiga Kulmiye ugu baaqay in ay dalka samata-bixiyaan, ayna ka qaadaan halka uu maanta yaal.
Tanaasulka Xisbiga Wadani ayaa u muuqda in aysan wali ku qanacsaneen Natiijada Doorasho ee Somaliland, isagoona dhowr jeer ku cel celiyey Natiijada Gacan ku rimiska ah.