Xukuumadda Somalia Oo Dagaalka Al Shabaab Kala Kaasahaneyso Sheekh Mukhtaar Roobow!

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yarisow” oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Dalka.
Waxaana uu sheegay in Xukuumaddu ay dhawaan qaadi doonto duulaan ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale Eng Yarisow Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in duulaankan uu ka qeyb qaadan doono Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuuu Mansuur” oo horay uga tirsanaa Al Shabaab, haatana isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in qorshahaasi uu socdo, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Dalka.
Ugu dambeyn Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Cadaalada la soo taagi doono Raggii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe, kuwaas oo haatan qaarkood gacanta ugu jira dowladda.
Waxaana uu shaaciyay in Ragaasi baaritaano ay ku socdaan, islamarkaana ay sharciga la tiigsan doonto dowladda Soomaaliya.
Qaraxii 14 kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay dad kor u dhaafaya 300 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.