Madaxweyne Farmaajo uma qaraab tagin Dubai ee Qaranka qadafka halaga daayo!

Madaxweynaha Somalia waa matale guud, ma’ahan hogaamiye gobal iyo mid beeleed, Emirate-ku waa marinka ganacsi ee Somalia waxaana jira dano badan oo ka dhaxeeya labadda wadan, Danahaas waxaa ka wada hadli kara hogaamiyaasha labadda dal oo qura, Sidoo kale Emirate-ku waxey ka mid yihiin Dowladaha taageera Somalia dhaqaalo ahaan iyo milatari ahaanba.

Heshiiskii madaxda maamul goboleedyadda iyo Dowladda dhexe ku saxiixdeen Muqdisho iyo booqashadda madaxweyne Farmaajo ku joogo Emirate-ka waa dhacdooyin isku xeeran.

Boqortooyadda Emirate-ku waxey ogaatay in wax walba oo muhiim ah oo ay Somalia kaga baahan tahay iney qasab tahay iney Farmaajo kala xaajoodaan.

Mr Farmaajo waxaa la filaya inuu Emirate-ka hor dhigo iney tafaraaruqa ka dhaafan Somalia oo ay Dowladda dhexe kala xaajoodaan wixii ay Somalia kaga baahan yihiin iyo in Emirate-ku ay Dowladda dhexe soo marsiiyaan dhaqaalaha ay ku taageerayaan maamul goboleedyadda si loo hubiyo in lacagtaas ay ku baxday dhabo saxan.

Cabdulaahi Cismaan Faarax