Sawirro: Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo Booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.
Intaas ka dib Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka, wuxuuna ku dhiiri galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan cadowga Nabad diidka ahna ula dagaalaan.
Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowlada Turkiga ugu amaanay doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.
23768872 808729262632590 593269890 O 1024x768
23768872 808729262632590 593269890 O 1024×768
23768969 808729235965926 583650393 O
23768969 808729235965926 583650393 O
23769973 808730099299173 573100558 O 1024x768
23769973 808730099299173 573100558 O 1024×768
23770014 808729179299265 1680501730 O
23770014 808729179299265 1680501730 O
23770117 808729275965922 1462989066 O
23770117 808729275965922 1462989066 O
23770347 808729282632588 1249497662 O 1024x768
23770347 808729282632588 1249497662 O 1024×768
23798008 808730049299178 1372681664 O 1024x768
23798008 808730049299178 1372681664 O 1024×768
23798123 808730075965842 1285127897 O 1024x768
23798123 808730075965842 1285127897 O 1024×768
23798738 808730059299177 1476719320 O 1024x768
23798738 808730059299177 1476719320 O 1024×768

23798913 808729272632589 308910775 O
23798913 808729272632589 308910775 O