Mooshinkii Guddoomiye Jawaari oo laga yaabo in la gudbiyo inta uusan soo laaban Madaxweynaha

Hadal heynta siyaasada dalka maalmahaan waxay aheed in Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari in kastoo arinkaa aanu wali shaacin Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka Soomaalia.
Dadka Falanqeeya Arimaha siyaasadda Soomaaliya waxa ay sheegeen mooshinka ka dhanka ah Jawaari in uusan Ansax noqoneyn inta uu kursiga gudoonka Baarlamaanka isaga uu fadhiyo, Balse si mooshinka uu u meelmaro waxaa la tilmaamay in Gudoomiye Jawaari uu Safar dibada ah aado ama Ku sime Madaxweyne uu noqdo si Gudoome ku xigeenka Baarlamaanka uu usaxiixo Mooshinkaas.
Hada Mr Jawaari waa kusimaha Madaxweynaha Dalka waxaana lays weydiinayaa waxa ka rumoobi kara wararka Mooshinka la xiriira.