Ma Dhabbaa In Is casilaaddii Maryan Qaasim Ay Kala Qeybisay Xildhibaannada Qaranka? (Sir iyo xog)

Gudaha xildhibaannada iyo wasiirrada waxaa soo baxaya is gaashaanbuurreysi iyo iskaashi siyaasadeed oo salka ku haya sidii xilka looga wareejin lahaa mudane Kheyrre.

Bilowgii March sannadkan ayuu kursiga ku fadhiistay Kheyrre, kaas oo uu magacaabay madaxwayne Farmaajo, ha yeeshee dhowr jeer oo horey ayeey isku dhaceen siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale.

Dhacdadii ugu dambeysay ee Maryan Qaasim waxa ay dhalisay in ay laba kooxood u kala jabaan, kuwa taageersan Maryan Qaasim iyo kuwa la safan dhanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sida aa lasocono khilaaf soo dhex galay iyada iyo wasiirka koobaad ee dalka ayaa keenay is casilaaddeeda, ha yeeshee waxaa soo baxeysa koox cusub oo u badan siyaasiyiin Murusade ah oo uu ugu horreeyo Prof Yaxye Ibrahim oo ah lataliyaha ra’iisul wasaaraha dalka, horeyna usoo noqday xog hayihii joogta wasaarradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Yaxye oo maamulle ka ahaa guddiga maareeynta musiibooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa horaan u diiday Maryan Qaasim in ay  qabato xilkaas, maadaama ay ka codsatay ra’iisul wasaaraha, baddalkeeda Kheyrre wuxuu ku qasbanaaday in uu sameeyo wasaarad cusub oo ahayd wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, taas oo jadwal shaqo iyo mid shaqaalleba aan lahayn.

si kastaba ha ahaatee xildhibaannada mucaaradka ayaa diyaar u ah in ay difaacaan Maryan Qaasim oo weerar dhinacyo badan lagu soo qaaday.

kala qeybsanida xildhibaannada waxa ay xoojineysa xasarradda siyaasadeed ee ka jirta dalka, waxaana Kheyrre uu ku qasban yahay isku shaandheyn wakhtigeeda laga soo hormariyay.

 

welcoome.club