Xildhibaanada Hirshabeele “oo ku Hanjabay haddii Waare diido in uu Wasiirrada ku daro, in Kalsoonida?

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre, oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Maamulka HIrshabeelle ayaa Warbaahinta uga warbixiyay kulan ay la qaateen Madaxweynaha Hirshabeelle ku xigeenkiisa iyo Guddoonka Baarlamaanka.
Kulanka oo xalay ka dhacay Jowhar ayey ujeedadiisu ahayd sidii Waare uu ugu qancin lahaa XIldhibaannada in uusan ku darin liiska Golahiisa Wasiirrada.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is afgaran waa Waxaana Xildhibaannada ku dhegeen in Madaxweyne Waare uu qaar ka mid ah Xildhibaannada ku daro Golaha Wasiirrada halka Waarena uu ku adkeystay in uusan Xildhibaannada ku darin.
Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in Madaxweynaha uu xaq u leeyahay magacaabidda golaha Wasiirrada Xildhibaannadana ay xaq u leeyihiin kalsooni siinta Wasiirrada uu soo dhiso.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynuhu diiday in uu Golaha Wasiirrada ku daro Xildhibaannada Hirshabeelle,laakiin iyana ay ku sugayaan Golaha Baarlamaanka oo aysan kalsooni siin doonin sida uu sheegay.