Xildhibaan Odawaa oo Dhulka ku Jiiday Farmaajo iyo Khayre Dalka Laguma Aamini Karo?

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) wasiirkii Arrimaha Gudaha Xukuumadii Hore haatana kamid ah Xildhibaanada  Golaha shacabka baarlamanka Soomaliya ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Soomaliya ay ku dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax oo baarlamaanka Soomaliya sharcidaro uu ku tilmaamay dhiibistiisa.
Odowaa ayaa sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in Laamaha amaanka dowladda Soomaliya sharciga dalka ay ku tuntaan iyadoo Madaxda dalka aysan ka warqabin.
Sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in warbixinta Guddiga uu keenay ay tahay arrin wanaagsan, balse aan Mas’uuliyadda cidna loo saarin, isagoo soo jeediyay in warbixinta Guddiga la saxo oo waxyaabaha loo baahan yahay lagu daro ay ugu weyn tahay in la cadeeyo cid dhiibtay Qalbi dhagax.
Waxa uu tilmaamay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay u dhigan tahay in qof walba Soomaaliyeed la dhiibay, madaama aan la cadeenin cida qaadanaysa mas’uuliyadda dhiibista islamarkaana kaliyah la sheegay in hay’adaha aamanka ay maareeyeen.
“Madaxda sare ee dalka hadii ay wax ka ogaayeen dhiibista C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax waa musiibo, laakiin hadii aysan wax ka ogeyn waa ka xun tahay, waayo mas’uuliyadda laguma aamini karo”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).