Wax walba oo aad Uga baahan tahay in aad ka ogaato qaladaadka waaxda ammaanka Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaarre kheyrre

Dadka sida gaarka ah ugu dhow ilaallada Ra’iisul wasaaraha ayaa aaminsan in qaladaad badan uu ka jiro qaabka ilaallo ee raiisul wasaaraha. Dhaliillaha lasoo jeediyay ayaa iskugu jira mid farsamo iyo mid aqoonba, waxaana u dheer in 85%kiibba ay yihiin Jufada hoose ee uu ra’iisul wasaarre Kheyrre uu ka dhashay ee Habar Ceyno.

Dhibaatooyin badan ayeey wajahaan dadka reyidka ah marka uu imaannayo wasiirka koobaad ee dalka.
Awood ku taagleyn joogta ah, is tus tus aysan kaammiraddu qaban iyo qaladaad badan ayeey sameeyaan ilaalladiisa.
Sidoo kale dad xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in xilliyada habeenkii ay aadaan baararka lagu caweeyo ee magaalada iyagoo wata gaariga Proofka ah ee ay leyihiin waaxda ammaanka.
Saddex Buruuf (baabuurta aysan xabbaddu karrin) ayuu leeyahay Kheyrre, hal kamid ah isaga ayaa qaas u leh oo xitaa waarddiyayaasha qaar looma oggola, halka labada kale ay kaxeystaan mararka qaar dhallinyaradaas oo dadka ku harrowsada fursadda ay ka heleen dowladda uu adeerkooda ra’iisul wasaaraha ka yahay.
Dhammaan gaadiidka Kheyrre waa caddaan midab ahaan, halka madaxwaynaha uu ka geddisan yahay.