DEG DEG:-Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa goordhaw waxa ay Nin ku dileen Suuqa Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Nuur Afay waxana la tilmaamay in uu aad ula shaqeeyn jiray Ciidamada Amaanka ee degmada.

Xiliga la dilayay waxa uu ka soo baxay Masjidka weyn ee ku yaalla bartamaha Suuqa weyn ee degmada Hurwaa waxana uu soo tukaday salaada duhur.

Dad Goobjoogayaal ah iyo kuwa deegaanka ah ayaa warkaasi inoo xaqiijiyay.