Sidee Isku Casishay Wasiiradd Gargaarka Soomaaliya?

Iyadoo isticmaaleysa barteeda Twitterka ayeey ku dhawaaqday wasiiradda Gargaarka iyo Banii Aadamnimada Dr Maryan Qaasim in ay maanta iska casishay xilkii ay ka heysay wasaaraddeeda.

Maryan ayaa sheegtay in sababo u qaas ah ay keentay is casilaaddeeda, waxaana dadka fallanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in la gaaray xilligii isku shaandheynta.

Weli lama helin wax digreeto ay isku casishay ha yeeshee waxaa jira in ay barteeda Twitter ka uun ay ku gaabsato.

Dhowr jeer oo horey ayeey xil kaga soo qabatay dalka Drs Maryan Qaasim.

Haddaba akhriso qoraalka ay Twitterkeeda kusoo qortay wasiiradda.

Fb Img 1510743932801