Shariif Xasan oo gaaray Baraawe iyo Ra’isalwasaare Kheyre oo ku wajahan

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa safarkiisa Magaalada Baraawe waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wuxuu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Saraakiisha ciidamada dowladda iyo Saraakiisha Amisom ayaa ka mid ahaa xubnaha ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe, iyadoo ammaanka si wayn loo adkeeyay.
Saacadaha soo socda ee maanta ayaa sidoo kale la filayaa in Magaalada Baraawe ay gaaraan masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.
Waxaa la hadal haayaa Raiisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya inay tagaan Magaalada Baraawe.