Muxuu Cabdiqaybdiid Ka Yiri Xalka Dalka Iyo Halka Uu Ku Jiro?

Siyaasiga caanka ah ee cabdi qayb diid ayaa ka hadlay xalka rasmiga ah ee lagu heli karo nabadda Soomaaliya loogana bixi karo dhibaatada dalka ka jirta.

Cabdi oo kamid ah siyaasiyiinta ugu saammeynta badan Soomaalida islamarkaana ah Senetor ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee dalka heysata ay tahay qabyada dastuurka Soomaaliya.

“Inta aan la dhammeystirin dastuurka weli xal kama imaanayo dalka ee aan ku dadaalno xalka dalka oo ah Dastuurka dalka” cabdiqaybdiid.

Sanatarka ayaa ah guddoomiyaha guddiga dastuurka ee aqalka sare ee Soomaaliya.