DEG DEG:- Wasiiradda Gargaarka Soomaaliya Oo Is Casishay

Maryam Qaasim oo ahayd Wasiirka Gargaarka Soomaaliya ayaa iscasishay maanta ka dib warqad kasoo baxday xafiiskeeda.

Marwo Maryam waxa ay kamid ahayd xisbiga Tayo ee Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iscasillaaddeeda.

Waa wasiirkii labaad ee iska casila Xilka tan iyo markii Xukuumadan Kheyre la soo dhisay.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa.