DEG DEG:- Afgembi Lala Yaabo Oo Ka Dhacay Dalka Zimbabwe Iyo Robert Mugabe Oo Bad Qaba

Militeriga dalka Zimbabwe ayaa la wareegay qeybo muhiimo ah oo ay kamid yihiin TV ga qaranka iyo xafiisyada qaar ee dowladda

Xilli hore oo Arbacada maanta ayuu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidanka Militeriga Jeneraal SB Moyo in ay la wareegeen guud ahaan dalka, kadib markii xaalad dhaqaalle oo aad u xanuun badan uu galay.

Mudane Moyo ayaa beeniyay in ujeedka afgembiga uusan ahayn in meesha laga saaro ama la khaarajiyo madaxwayne Mugabe oo xilka dalkaas ku fadhiya inkabadan 30 sano.

Madaxwayne Mugabe ayaa u sheegay warbaahinta in uu bad qabo isaga iyo reerkiisa, ayna iska caabbin doonaa dhammaan kooxaha soo weerarray oo uu ku sheegay in ay yihiin koox day day ah oo hadda lagu guueleystay in la iska dhiciyo.