DAAWO sawirrada, Magacyada Iyo Xogta Shakhsiyaadkii Ka Dambeeyay Qarixii Zoobbe

Wasaarradda amniga Soomaaliya ayaa xalayto soo bandhigtay dhammaan xogihii ku saabsanaa qarixii Zoobbe bil ka hor ka dhacay.

Inkabadan 500 qofood ayaa ku geeriyootay qaraxaas oo ahaa mid kamid ah qaraxyadii ugu halista badnaa taariikhda geeska Afrika.

Xogta qaraxa waxa ay sheegeysaa in darawalka is qarxiyay lagu magacaabo Cismaan Xaaji (Maaddey) kaas sida magaciisa ka muuqata kasoo jeeda midkood gobollada Shabeellaha hoose ama Baay Bakool.

Maaddey wuxuu ahaa darawalka gaariga TM ka is qarxiyay .

Sidoo kale shakhsiyaadka is qarxiyay ama lagu eedeeyay waxaa kamid ahaa Mukhtaar Maxamuud Xasan (Gardhuub).

Cabdiweli Axmed Diiriye oo loo yaqaanno Cabdiqani oo ah madaxa qaraxyada Alshabaab u qaabbilsan Benaadir ayaa amar ku siiyay Gardhuub,  kaas oo isna amray Maaddey oo ah qofka is qarxiyay.

Kooxda Alshabaab ayaa ka gaabsatay sheegashada qarixii Zoobbe oo bil ka hor ay ku dhinteen dad badan oo shacab wada ahaa.

Haddaba Fiirso Sawirrada.

Fb Img 1510723279300